Naadiga Arsenal waxaa laga filan doonaa inay siweyn ugu dhex mashquusho suuqa Yurub xagaagan madaama macalin Arsene Wenger lacago badan gacanta loo galiyay tababarahan qabiirka ah ayaa sheegay in kooxdiisa baahida ugu weyn ay qabto tahay inay lasoo saxiixato xidig khdka dhexe ku wanaagsan sidaa darteed Arsenal ayaa soo bandhigtay 5-xidig oo khadka dhexe ka cayaaraan midkood inay lasoo saxiixan doonto balse dhamaan xidigahan dalabyo kala duwan ayay u diri doontaa wuxuuna Wenger ugu dambeyntii dooran doonaa saxiixiisa lacibkii u sahlanaado hadaba hoos kaga bogo bartilmaameedka Arsenal ku mashquulsan tahay inay lasoo saxiixato:
Lars Bender, Bayer Leverkusen: waa 24-jir waxaana lagu qiimeeyaa 24-milyan oo pound.
Clement Grenier, Olympique Lyon: waa 23-jir waxaaa lagu qiimeeyaa 10-milyan oo pound.
Sami Khedira, Real Madrid: waa 27-jir waxaana lagu qiimeyaa 25-milyan oo pound
Morgan Schneiderlin, Southampton: waa 23-jir waxaana lagu qiimeeyaa 15-milyan oo pound.
Arturo Vidal, Juventus: waa 27-jir waxaana lagu qiimeeyaa 40-milyan oo pound.
Profile