Tababare Arsene Wenger ayaa mudo badan ku raad joogay weeraryahankaan reer talyaani ee Mario Balotelli balse Milan ayaa sii fududeysay qaabka ay Arsenal ku heli karto xidigaan markii ay shaacisay in xidigaan ay iska iibineyso.
23-jirkaan reer talyaani ayaa ka mid ah liiska xidigaha aadi doona Brazil ee xulka talyaaniga u matali doona koobka Aduunka oo 12-ka June ka furmi doona Dalkaas.
Si Kastaba Balotelli ayaa ahaa shaqsiga ugu hadal heynta badnaa horyaalka ingiriiska mudadii uu ku sugnaa Manchester City waxaana haatan uu diyaar u yahay inuu dib ugu laabto horyaalkaas.
Balotelli ayaa dhaliyay 30-gool, 54-kulan oo uu u saftay Milan, balse xidigaan reer Italy ayaa qaati ka taagan dadka reer talyaani kuwaas oo cunsuriyo kula kaca mar walba.
Manchester City ayaa iska soo iibisay 2013-kii Balotelli isagoo shaqaqooyin baahsan ka abuuray Etihad Stadium markii uu qolka labiska kula dagaalay Wayne Bridge sidoo kalana waxey is qabsadeen macalinkii xiligaas ee Roberto Mancini iyagoo ku sugan xerada tababarka.
Si Kastaba Wenger ayaa doonaya in Balotelli uu kusoo biiriyo Emirates Stadium madama uu heshiiskiisa cusub ugu balan qaaday Jamaahiirta Gunners saxiixyo waaweyn.