Daily Express ayaa shaaca ka qaaday in daafaca naadiga Celtic Virgil van Dijk uu haatan qarka u saaran yaay inuu heshiis la gaaro kooxda Liverpool.
Inkastoo xidigan tayada wanaagsan ay mudo dheer naadiga Arsenal ku raad joogtay lana aaminsanaa inuu Emirates usoo dhaqaaqi doono horaanta bisha Janaayo hadana maskaxdiisa ayuu badalay.
23-jirkan ayaa diyaar u ah inuu sii amba qaado wada hadalada ay haatan asiga iyo wakiilkiisa kula jiraan kooxda Liverpool oo u balan qaaday boos joogto ah iyo mushaar aad u sareeyo.
Waxaana lagu wadaa Virgil van Dijk inuu xaliyo dhibaatada Liverpool dhanka daafaca dhexe ka heesato xili cayaareedkan madaama Reds goolal aad u farabadan laga dhaliyay Premiership-ka England.
Sidoo kale Virgil van Dijk kooxda Tottenham ayaa ku raad joogto balse wararka ka imaanayo magaalada Glasgow ayaa sheegayo in daafacan ugu wanaagsan horyaalka Scotland uu haatan qarka u saaran yahay ka mid noqoshada Liverpool ay saxiixiisa kaga guulesan rabto Arsenal waxaana xidigan lagu heli karaa 8-milyan oo pound.