Naadiga Gunners-ka ayaa dadaal weyn ka sameesay sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheed wiilka laga daba dhacay xili cayaareedkan wacdaraha ka dhigaayo La Ligaha Spain laguna magacaabo Alvaro Vadillo, xidigan farsamadiisa aadka u sareyso sidoo kalena ah cayaaryahan xawaarihiisa dheereeyo ayaa saxaafada Spain soo jiitay waxayna ula baxeen Cristiano Ronaldaha cusub, xidigan ka tirsan xulka Spain ee da’dooda ka hooeyso 20-sano ayaa ka tirsan naadiga Real Betis labadii sano ee ugu dambeesay balse wuxuu kasbaday shacbiyad balaaran sidaa darteed waxqabadkiisa heerka sare ayuu kooxda Arsenal kusoo jiitay.
Macalin Arsene Wenger oo aan looga baranin inuu dhalinta yar lacago badan dul dhigo ayaa diyaar u ah inuu Vadillo kusoo iibsado €20m, sababta ugu weyn eek u qasbaseyso inuu 19-jirkan lasoo saxiixdo ayaa ah in Lukas Podolski uu dhaawac ku raagay sidoo kalena Theo Walcott isagana xaalkiisa fadhinin madaama uu dhawaan dhaawac halis ah kasoo kabtay sidaa darteed Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu bisha Janaayo lasoo saxiixdo Alvaro Vadillo sidoo kalena uu caalamka baro tayada uu xidigan dhalinta yar leeyahay wararka ayaa intaas ku daraayo in maamulka sare ee kooxda Real Betis ay dhankooda qirteen in xidigan dahabiga ah lumin doonaan bisha Janaayo balse ma aysan sheegin kooxda ay ka iibin doonaan.
Waxaa Aqrisay: (297)
Mogadishu - Somalia