Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Laga Soo Diiday Dalab £9 Million Ah Oo Ay Ka Gudbiyeen Juanfran

Arsenal Oo Laga Soo Diiday Dalab £9 Million Ah Oo Ay Ka Gudbiyeen Juanfran


Juanfran

Kadib markii Bacary Sagna uu xaqiijyay inuu isaga tagayo Arsenal marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda tababare Wenger ayaa u dhaqaaqay badalka isagoo dalab u gudbiyay kooxda Atletico Madrid.

Arsene Wenger ayaa badalka Bacary Sagna u arkay daafaca midig ee Atletico iyo Xulka Spain Juanfran, kaas oo 29-jir ah kuna wanaagsan weerarka iyo difaaca labadaba.

Wenger ayaa dalab 9 Malyan ah u gudiyay kooxda caasimada Spain ka dhisan ee Madrid balse Atletico Madrid ayaa dalabkii laga gudbiyay Juanfran soo diiday markii ay u cuntami weysya lacagaha ay Gunners ku dooneyso daafacooda reer Spain.

Dhanka kale sida ay shaacisay Mirror Football wakiilo ka socda Arsenal ayaa u duulay dalka Jarmalka si ay usoo eegaan xaalada daafaca midig ee xulka Japan iyo kooxda Schalke 04 Atsuto Uchida.

Sidoo kale waxey isha ku hayaan daafaca kooxda Toulous Serge Aurier inkastoo Jenkinson oo ah daafaca reer England ah uu shalay saxaafada u sheegay inuu diyaar u yahay buuxinta booska Bacary Sagna

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close