Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Lacag Aan Caadi Aheyn Miiska U Saartay Laba Xiddig Oo Kamid Ah Kooxda Chelsea

Arsenal Oo Lacag Aan Caadi Aheyn Miiska U Saartay Laba Xiddig Oo Kamid Ah Kooxda Chelsea


Macalinka Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu lasoo wareego laba Xiddig oo ka tirsan kooxda Chelsea iyadoo rajeeneysa inay Xilli Cayaareedka Cusub ay keeni doonto Garoonka Emirates Stadium.

Caughtoffside ayaa si hoose u heshay in wenger uu rajeenayo inuu Macalinka ay Xilfaaltamaan ee Jose Mourinho kala soo wareego Romelu Lukaku iyo Thorgan Hazard inkastoo Macalin Mourinho aan la ogeyn jawaaba uu siin doono Arsene Wenger.

Macalin Wenger ayaa dalabkaan u diray Chelsea isagoo isku qancinaayo in Mourinho uu Manchester United ka iibiyey Juan Matta aysanna jirin sabab uu Arsenal cayaaryahano ugu diido.

Romelu Lukaku Everton Chelsea

Chelsea ayaa heshiis hordhac ah la gaartay Xiddigga Atletico Madrid Diego Costa iyadoo mourinho uu ku fakaarayo inuu Lukaku oo 21 jir ah  si rasmi ah uga iibiyo Everton oo uu hadda Amaah kula joogo.

Arsenal Wenger ayaa aaminsan in  Olivier Giroud uusan ku filneyn weerarka Arsenal sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la keeno Xiddigo da’yar oo ku fiican xagga weerarka Sida Lukako oo kale.

Lukako ayaa dhaliyey 17 gool oo Premier League ah isagoo amaah kula joogay kooxaha West Brom  iyo Everton, kumana faraxsano inuu ku laabto Chelsea isagoo door bidaayo amaah maadaama uu aaminsan yahay inuusan Boos joogta ah ka heleyn kooxda Chelsea.

Sidoo kale Wenger wuxuu il gaar ah ku hayaa Thorgan Hazard oo noqday xiddiga ugu wanaagsan sanadkaan wadanka Belgium-ka waana xiddig amaah uga maqan kooxda Chelsea isla markaana ah 21 Jir, wuxuuna wenger labadaan xiddig miiska u saaran 36 Malyan, iyadoo jawaab laga sugaayo Chelsea.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close