Arsenal ayaa la kulanatay wakiilka Radamel Falcoa iyadoo kala xaajooneysa sida ugu macquulsan oo xidigaan reer Colombia uu ku imaan karo Emirates maanta, xili wakiilo ka socda Gunners ay ka qeyb galayeen xaflada Isku aadka Koobka Horyaalada Yurub wareegiisa Groupyada.
Falcao waxaa si ba’an loola xiriirinayay isbuucyadii lasoo dhaafay kooxda Gunners, iyadoo la hadal hayay inuu badal u noqon doono Olivier Giroud oo dhaawac dhanka canqawga ah uu soo gaaray kulankii labaad ee Premier League, isagoo garoomada ka maqnaan doona ilaa horaanta sanadka 2015.
Dhanka kale kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa ku jira liiska loolamayaasha saxiixa xidigaan Monaco ka tirsan kaas oo amaah ahaan lagu heli karo 20 Malyan Oo Euro.
Falcao ayaa raadinaya koox cusub madama ay ku adkaatay nolosha kooxda reer France waxaana la dareensan yahay inuu ka guuri doono horyaalka faransiiska .
Ugu dambeyntii lama shaacin natiijadii kasoo baxday kulankii wakiilka Falcao iyo gudigii ka socday Gunners, suuqa ayaana ah gabaabsi iyadoo ay ka harsan tahay wax ka yar 4 maalmood.