Wargeska Daily Mail ayaa sheegay in ugu dambeyntii maamulka Arsenal ay isku raaceen in Mario Balotelli la keeno garoonka Emirates, xidigan tayada wanaagsan mustaqbalkiisa suuqa Yurub ayuu yaalaa madaama ay maamulka Milan isku dhaceen sida darteed macalin Arsene Wenger oo taageero weyn u ah ayaa sheegay in kooxdiisa ay Super Mario kula soo saxiixan doonto €25m.
Weeraryahankan haatan dalka Brazil ayuu ku sugan yahay wuxuuna diyaar garow adag ugu jiraa ka qayb qaadashada koobka aduunka sidaa darteed wakiilkiisa oo ku sugan magaalada Milan ayaa dhinaciisa ka riixayo sidii uu xidigan xili cayaareedka dambe Premiership-ka England dib ugu laaban lahaa.
Kooxda Milan horey ayay u sheegtay inay Balotelli ku fasixi karto qiimo u dhaxeeyo €25m ilaa €30m haatana dalabka Milan waxaa ka jawaabi rabto Arsenal oo heesato lacago ku filan.
Geeska kale Arsenal ayaa sheegtay inay ku guuleesan rabto saxiixa weeraryahanka xulka France Loic Remy oo ay milkiyadiisa leeyahay waxaya Arsenal ku qaadan rabtaa €13m wararka ayaa intaas ku daraayo in Remy uu Arsenal ka mid noqon doono marka uu cayaaraha aduunka dhamaado.
Sida darteed macalin Arsene Wenger ayaa damacsan inuu kooxdiisa dhanka weerarka ka xoojiyo madaama Arsenal xili cayareedkii dhawaan soo idlaaday Olivier Giroud oo kaliya ay ka heesatay gool dhaliye la isku haleen karo.