Arsenal ayaa agaasimeysa kualn xasaasi ah oo ay la qaadato Wakiilka garabka reer Colombia iyo kooxda Fiorentina Juan Cuadrado kulankaas oo lagu wado inuu ka dhaco London isbuucaan.
Daily Express oo xiganeysa ilo muhiim ah oo dalka Spain kaga yimid in Wakiilka xidigaan uu isku qaban qaabinayo duulimaad London ah si uu ula kulmo kooxda Arsenal.
Wararkaan ayaa imaaay xilli 26-jirkaan reer Colombia uu wacdaro ka dhigayo Koobka Aduunka ee Brazil ka socda isla markaana uu ku dhawaaqay inuu ku faraxsan yahay nolosha Serie A-da.
Fiorentina ayaa haatan 100% leh milkiyada Cuadrado waxaana heshiiskiisa lagu jabin karaa 32 Malyan Oo Pound oo ah qiimo aad u heer sareeya.
Kooxaha Mancehster United, Arsenal & Liverpool ayaa baadi goob ba’an ugu jiray xidgiaan heerka caalami balse haatan waxaa hogaanka u heysa tartankiisa Arsenal oo qaban qaabineysa kulanka Wakiilka xidigaan oo ah shaqsiga fududeyn kara xaalada xidigaan heerka caalami.
Profile