Naadiga Arsenal ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan dib usoo ceshan doonin Cesc Fabregas waxayna kooxdan London ka dhisan ayaa shaaca ka qaaday in qorshaheeda uusan ugu jirin soo xero galinta kubad sameeyaha reer Spain oo ay kooxdiisa Barcelona sheegtay inuu beec ka yahay.
Arsenal oo baahi weyn u qabto xidig khadka dhexe ku wanaagsan ayaa sheegtay inay hormar weyn ka sameesay sidii ay kula soo saxiixa laheed kubad bur buriyaha naadig Dortmund Sven Bender waxayna Gunners-ka xidigan tayada wanaagsan kula soo saxiixan doontaa xagaagan £15m.
Macalin Wenger wuxuu mudo dheer ku raad joogay Lars Bender oo la mataano an Sven Bender balse haatan tababarahan waaya araga ah wuxuu u weecday Sven oo leh waaya aragnimo ku filan madaama uu 3-sano ee ugu dambeesay si joogto ah Dortmund ugu cayaarayay.
25-jirkan ayaa sidoo kale dhawaan wargeska The Bild ee kasoo baxo dalka Jarmalka u sheegay inuu isbadal sameyn doono sidaa darteed Sven Bender wuxuu diyaar u yahay xili cayaareedka dambe inuu garooka Emirates kula soo biiro saaxiibaiisa reer Jarmal sida Ozil, Mertesacker, Podolski iyo Ganabry, madaama Arsenal ay fasixi doonto ruug cadaa Mikel Arteta waxay diyaar u tahay inay booskiisa galiso Sven Bender oo ka dhalin yar sidoo kalena sanado badan kooxdan u cayaari karo.