Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Iney 16 Malyan Kusoo Qaadato Xidig Khadka Dhexe Uga Ciyaara Real Madrid

Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Iney 16 Malyan Kusoo Qaadato Xidig Khadka Dhexe Uga Ciyaara Real Madrid


Khedira

Sida ay ku warantay Express Arsenal ayaa dooneysa iney sameyso suuq gal wanaagsan marka la gaaro bisha January iyadoo dooneysa iney adkeyso safkeeda hore.

Macalin Wenger ayaa isku diyaarinaya inuu Real Madrid kasoo qaato kubad burburiyahooda reer Jarmal Semi Khedira kaas oo ay sidoo kale dooneyso kooxda Chelsea.

Khedira ayaa ka mid ah wiilasha macalin Joachim Low ee koobka Aduunka ka qeyb gali doona kuwaas oo haatanba ku sugan dalka Brazil balse mustaqbalkiisa Real Madrid ayaan la hubin madama uusan xili ciyaareedkaan qeyb ka qaadan dadaalkii kooxda ay sameysay dhaawac awgiis.

Khedira ayaa kaliya saftay 13-kulan, halka tababare Ancelotti uu suuqa ka baadi goobayo xidig khadka dhexe dalabyana u diray: Paul Pogba, Marco Verratti & Ramires oo dhamaantood ku boos ah Khedira taas oo waadix ka dhigtay in Ancelotti uusan boos u heyn Sami Khedira.

Sida laga soo wariyay jariiradda faransiiska kasoo baxda ee Le 10 Sport  Macalin Wenger ayaa doonaya inuu waqooyiga London keeno Khedira isagoo lamaan kala soo dhigi doona Mesut Ozil, Podolski iyo Mertesacker oo dhamaantood isku dhalasho yihiin.

Gunners ayaa miiska saareysa £16million si ay u hesho khedira inkastoo Jose Mourinho qudhiisa uu isha ku hayo xidigiisii hore.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close