Kooxda Arsenal oo baadi goob xoogan ugu jirto weeraryahan tayo wanaagsan ayaa sheegtay inay lasoo saxiixan doonto mid ka mid a xidigaha ka gadoodsan inuu Old Trafford baaqi kusii ahaado, Arsenal ayaa ka faa’iideesan doonto xaalada murugeesay ee uu ku sugan yahay Javier Hernandez waxayna xidigan u diri doontaa dalab rasmi ah madaama weeraryahankan uusan rabin inuu kursiga keydka Man United sii fadhiyo, 26-jirkan xili cayaareedkii hore kaliya 6-kulan ayaa lagu soo bilaabay Premiership-ka England sidaa darteed ma doonayo inuu Hernandez in mustaqbalkiisa cayaareed uu mugdi sii galo sidaa darteed wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tilaabo ka careesin doonto taageerayaasha Man United madaama uu aqbali rabo dalabka Arsenal oo boos joogto ah u balan qaaday.
Javier Hernandez oo ka hadlaayay sida uu dhibsaday kursiga keydka Man United wuxuu yiri “ma aqaan waxa xiga ee dhici doono balse waxaa hubaal ah in cayartooyda ay kalsooni u baahan yihiin anigana kalsooni ayaan ka waayay gudaha Old Trafford sanadkii hores sidaa darteed ilama ahan marlabaad inaan United baaqi kusii ahaan doono hadii aysan wax walbo isbadalin” xidigan lama filaayo inuu boos joogto ah ka helo hogaanka macalin Luis Van Gaal waayo tababarah horey ayuu u sheegay inuu adeegsan doono weeraryahanada kala ah Robin Van Persie, Wayne Rooney iyo Danny Welbeck sidaa darteed Hernandez halka uu sedex cayaaryan boos kula dagaalami laha waxaa uga sahlan inuu Olvie Giroud booska kula dagaalamo!
Profile