Kadib markii kooxda Arsenal ay lasoo saxiixatay Mesut Ozil sidoo kalena ay horey kooxdan ugu joogeen laacibiinta kala ah Per Mertsacker iyo Lukas Podolski waxay haatan naadigan ka dhisan waqooyiga magaalada London qorsheneysaa inay lasoo saxiixato xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga B. Dormund Ilkay Gundogan iyo sidoo kale laacibka laga daba dhacay sidoo kalena ku caan baxay qaabka loo difaactammo Lars Bendner, labadan xidig ka mid yihiin laacibiinta ugu wanaagsan Bundesligaha sidoo kalena ka mid ah xidigaha xulka qaranka Jarmalka hadii Arsenal labadan xidig bisha Janaayo lasoo saxiixato Gunners-ka waxaa isugu imaan doonaan 5-cayaaryahan oo u dhalatay dalka Jarmalka.
Sida ay shaaca ka qaaday Mirror Arsenal ayaa si toos ah ula xariirtay naadiga Bayer Leverkusen oo uu khadka dhexe kaga cayaaro Bendner waxayna kala hadashay sidii looga iibin lahaa waxayna Arsenal 24-jirkan ku dooneysaa 15-milyan oo pound waana qiimo ay naadiga Leverkusen kaga samri karto xidigan dhalinta yar haatana ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa waxaana dhawaan laga dhigay kabtanka Leverkusen, macalin Wenger ayaa sidoo kale ilgaar ah ku haayo Gundogan oo ka gadoodsan inuu qandaraas cusub Dortmund u saxiixo madaama heshiiskiisa ku egyahay sanada 2015 kooxdan ayaa dhawaan ka dhawaajisay inay bisha Janaayo iibin doonto hadii inta sanadka dhiman uusan aqbalin qandaraas kordhinta waxyna midaan Arsenal u tahay fursad weyn oo ay kusoo xero galin karto waxaana lagu qiimeeyaa 25-milyan oo euro ah.