Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Hormar Ka Sameesay Soo Xero Galinta CUADRADO Kadib Markii Ay Dalab Wanaagsan U Gudbisay

Arsenal Oo Hormar Ka Sameesay Soo Xero Galinta CUADRADO Kadib Markii Ay Dalab Wanaagsan U Gudbisay


Cuadrado-FiorentinaLaacibka xulka Colomba iyo naadiga Fiorentina JUAN CUADRADO ayaa kusii siqaayo inuu kooxda Arsenal ku biiro kadib markii naadiga Gunners-ka ay dalab aad u sareeyo miiska u saartay dhigeena Violla inkastoo laacibkan ay kooxo badan saxiixiisa ku raad joogaan hadana macalin Arsene Wenger ayaa isku kalsoon inuu soo xero galin karo madaama Arsenal miiska u saartay kooxda Fiorentina qiimo lacageed oo gaarayo €28M.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in xidigan uu si gaar ah u xiisaneeyo inuu Premiership-ka England ka cayaaro inkastoo Barcelona ay dadaal xoogan ugu jirto saxiixiisa.

26-jirkan ayaa ka cayaari karo boosas badan wuxuuna ka mid yahay xidigaha haatan ugu wanaagsan qaarada Yurubka xamaashaan sidaa darteed macalin Arsene Wenger oo taageero u ah Cuadrado ayaa doonayo inuu lasoo saxiixdo ka hor inta aysan bishan Luulyo dhamaanin si uu kooxda Arsenal laacibkan ula sii qaabsado ka hor inta uusan xili cayaareedka cusub bilaabanin.

Cuadrado ayaa xili cayaareedkii 2012/13 kusoo biiray kooxda Fiorentina wuxuuna markaas kasoo tagay naadiga Udinese ilaa haatan xidigan tayada wanaagsan wuxuu Viola u saftay 68-kulan Serie A-da Talyaaniga asigoo dhaliyay 16-gool balse waxaa la hubaa inuusan baaqi kusii ahaan doonin Fiorentina xagaagan wixii ka dambeeyo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close