Sida ay warisay Metro Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay weeraryahan ay mudo dheer ku raad joogtay waxeyna rajeyneysaa iney xili ciyaareedka dambe lasoo saxiixato
Loic Remy oo xili ciyaareedkii dhamaaday qaab amaah ah kula joogay kooxda Newcastle United ayey kooxo badan ku raad joogeen oo ka dhisan Ingiriiska oo ay ka mid yihiin: Chelsea, Liverpool, Tottenham & Arsenal.
Metro oo soo xiganeysa Sky News Radio Arsenal ayaa dhamaan kooxaha kale ee xiiseynayay Remy ku garaacday saxiixiisa madama ay heshiis shaqsi ah la gaartay.
27-jirkaan reer France ayaa leh qaab ciyaareedka kabdankii hore Gunners Thierry Henry, waxaana ay Arsenal ku qaadan kartaa 10 Malyan Oo Pound.