waxaa soo idlaaday kulan xiiso badnaa oo dhex maray kooxaha Arsenal iyo Stoke wuxuuna kusoo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Arsenal.
Daaha Goolasha ee Arsenal waxaa feeday Remsey Daqiiqadii 5-aad ee qeybtii hore ee cayaarta kadib markii Laad Xor ah oo uu tuuray Ozil uu ku dhacay Daafaca Stoke Kadibna Remsey ayaa Shabqa ku hubsaday
Arsenal oo u Muuqatay inay iska maamulaneyso cayaarta waxaa lagu helay gool Barbara ah daqiiqadii 26 ee isla qeybtii hore ee Cayaarta Stoke waxaa goolka u dhaliy G. Cameron
Markaas wixii ka dambeeyey Cayaarta ayaa aad u kulaalatay Arsenalna waxay soo qaaday weeraro badan inkastoo goolhayaha Kooxda Stoke uu badbaadiyey Fursado badan oo noqon lahaa gool, laakiin daqiiqadii 36 ee cayaarta ayaa ninka Reer Germany P. Mertesacker uu shabaqa ku hubsaday goolkii labaad ee Arsenal Goolkana wuxuu ku yimid qaab Madax ah kadib markii uu Koorno uu soo qaaday Ozil Madaxa u Saaray Mertesacker
Kooxda Stoke ayaa isku dayday inay mar labaad soo barbareyso Kooxda Arsenal laakiin taas badalkeeda waxaa loogu badalay gool sedexaad oo uu dhaliyey B. Sagna daqiiqadii 72-aad
cayaartana waxay kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Arsenal waxaana xusid mudan in garoonka uu joogay Macalinka Xulka Qaranka Germany Joachim Löw Si uu u daawado hab cayaareedka Ozil iyo Mertesacker oo kawada tirsan Xulka Germany.
Arsenal ayaa hadda Hoggaanka Horyaalka Premier League ku qabastay 12 dhibic oo nadiif ah waxaana kusoo xigo kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo min 10 Dhibic leh .