Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay £60m Xagaagan Ku Qarash Gareyso Soo Xero Galinta Sedex Xidig Oo U Calaameesan

Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay £60m Xagaagan Ku Qarash Gareyso Soo Xero Galinta Sedex Xidig Oo U Calaameesan


Wenger-main

Waxaa lagu wadaa in garoonka Emirates lagu soo dhaweeyo xagaagan sedex xidig oo qaarada Yurub siweyn looga yaqaan.

Qorshaha Arsenal ayaa ah inay £60m qarash gareyso inta lagu guda jiro bisha June ee nagu soo fool leh si ay gacanta ugu soo dhigto xidigaha bartilmaameedka u ah.

The Metro ayaa sheegay in Arsenal ay ugu tala gashay soo xero galinta Arturo Vidal £25m waxaana heshiiskan si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaan Vidal marka uu kasoo laabto tartanka Copa America.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Arsenal ay Morgan Schneiderlin oo khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Southampton isagana kusoo iibsan doonto £25m.

Ugu dambeyntii Gunners-ka waxay £10m kula soo wareegi doonaan goolhaye Petr Cech oo kooxdiisa Chelsea ka dalbaday inay xagaagan iska fasaxaan.

Hadaba Wenger ayaa doonayo inuu sedexdan xidig sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigo si awooda Arsenal uu sare ugu qaado xili cayaareedka dambe.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>