Home » Horyaalada » La liga » Arsenal Oo Dalab £24m U Gubisay Barcelona Ma Ahan Fabregas Xidiga Ay Dooneyso, Hadaba Waa Kuma

Arsenal Oo Dalab £24m U Gubisay Barcelona Ma Ahan Fabregas Xidiga Ay Dooneyso, Hadaba Waa Kuma


Cesc+Fabregas+Pedro+Rodriguez+FC+Barcelona+eYewnd_DO3Dl

Kooxda Arsenal gabi ahaanba waxay isaga hartay loolankii ay ugu jirtay saxiixa Cesc Fabregas waxayna kooxdan sheegtay in Cesc uusan dib ugu soo laaban doonn garoonka Emirates haatan Gunners-ka waxay dalab rasmi ah u dirtay kooxda Barceloa ayadoo ka dooneyso Pedro oo ka mid ah xidigaha Barcelona ugu muhiimsan waxayna Arsenal dhigeeda kooxda reer Spain miiska u saartay £24m, tababaraha dhawaan kooxda Barcelona la wareegay Luis Enrique ma jeclo qaab cayaareedka Pedro sidaa darteed xidigan tayada wanaagsan wuxuu ku qasban yahay inta uu suuqa Yurub inuu isbadal dag dag ah sameeyo.

26-jirkan xili cayaaedkii dhawaan soo idlaaday kooxdiisa Barcelona kulamo bada ma uusan cayaarin waxaana booska ka xirteen Alexis Sanchez iyo Neymar, macalin Wenger ayaa sheegay inuu tayada Pedro k faa’iideesan karo sidoo kalena uu weerarka ka cayaarsiin doono asigoo doonayo inuu ka garab cayaarsiiy Olivier Giroud sidaa darteed Arsenal oo heesato lacago ku filan oo ay kula soo saxiixan karto xidigha bartilmaameedka u ah ayaa sheegtay inay maal maha nagu soo fool leh £24m dalab ah ay u diiri doonto Barcelona waxayna u badan tahay in dalabkan sareeyo laga aqbalo, Pedro ayaa haatan mudo 8-sano ah Barcelona ka tirsan wuxuuna u saftay kooxdiisa 268-kulan asigoo u dhaliyay 87-gool.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close