Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Boorso Lacag Ah  La Wareegeyso Suuqa Diyaarna u ah Inay Qarash Gareyso €122 million, Yey Soo Iibsan Rabtaa?

Arsenal Oo Boorso Lacag Ah  La Wareegeyso Suuqa Diyaarna u ah Inay Qarash Gareyso €122 million, Yey Soo Iibsan Rabtaa?


394957_heroa (1)

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday  inay soo iibsan doonto xidigo muhiim ah ka hor inta uusan bilaaban koobka Adduunka Xilli Mustaqbalka Arsene Wenger uu Mugdi sii geliyo.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa caddeysay inay diyaar u tahay wax ka badalidda xidigaha u jooga kooxda iyadoo go’aan ku gaartay inay qarash gareyso €122 million.

Kooxda Arsenal ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato laba xiddig oo weerar ah kuwaasoo awood u yeelan kara si wada jir ah inay wax uga badalaan dhibaatada xagga weerarka ka heysato kooxda, Sidoo kale waxay baadi goob ugu jirtaa xiddig qadka dhexe,  goolhaye, xiddig ka cayaari karo xagga bidix ee daafaca, Xiddig  ka cayaaro qadka dhexe ee daafaca, maadaama mugdi la geliyey mustaqbalka Bacary Sagna iyo Thomas Vermaelen.

mid kamid ah Xigidaha weerarka oo ay dooneyso Arsenal ayaa la aaminsan yahay inuu yahay Antoine Griezmann oo Garabka uga  cayaaro kooxda Real Sociedad, warar hordhac ah ayaa sheegaya inay Arsenal ku qaadan doonto xidigaan  €30m iyadoo wakiilada Arsenal ka socday ay la kulmeen.

Kooxda Arsenal ayaa weli go’aan rasmi ah ka gaarin xidigaha kale ee soo qaadan doonto inkastoo la isla dhex marayo inay soo qaadan doonto xiddigga kooxda Schalke Julian Draxler kasoo horey ay Bishii January ku guul dareysteen

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close