Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa ku warantay iney diyaarineyso qorshe ay kala hortageyso kooxda Queen’s Park Rangers si ay ugala hadasho saxiixa weeraryahanka reer France Loic Remy.
Remy ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Emirates ka dhisan bilooyinkii lasoo dhaafay kadib markii uu amaah guuleysatay ku qaatay xili ciyaareedkii dhamaaday kooxda Newcastle United ee ka dhisan Premier League.
Queen’s Park Rangers ayaan wali aqbalin dalab ka yimid kooxaha daneynaya xidigeeda reer France balse Loic Remy ayaa shaaca ka qaaday inuu daneynayo ka ciyaarista Champions League sida ugu dhaqsiyaha badan inkastoo tababare Harry Redknapp uu isna qiray in Loic Remy uu yahay iib bishaan gudaheeda.
Daily Mail ayaa qirtay in Arsenal ay kalsooni buuxda ku qabto iney soo qaadaneyso 27-jirkaan shabaha qaab ciyaareedka halyeeygii hore Gunners Thierry Henry kaas oo xusuus badan ku reebay qalbiga Jamaahiirta Gunners.
Warar kale oo ka imaanaya London ayaa sheegaya sidoo kale in qiimaha lagu jabin karo heshiiska Loic Remy uu yahay 8 Malyan Oo Pound waana qiimo ay ka bixi karto Kooxda Arsenal.
Profile