Naadiga Arsenal oo dadaal xoogan ugu jirto soo xero galinta Mario Balotelli ayaa sheegtay inay haatan dadaal wanaagsan ka sameesay sidii ay weeraryahankan kusoo xero galin laheed madaama ay u balan qaaday mushaar uusan waligiis ku shaqeynin kaasi oo ah in todobaad walbo uu qaadan doono £180,000 hadii uu garoonka Emirates usoo guuro tani ayaa ka dhigan in Super Mario uu sanad walbo qaadan doono £9.36M waana lacago uusan siidwyn karin xidiga madaama uu haatan Milan ka qaato wax ka yar £3M.
Sidaa darteed Balotelli iyo wakiilkiisa waxay ku qasbanaan doonaan inay si dhaqsi ah dalabka Arsenal uga faa’iideestaan waxaa intaa usii dheer in xidigan lasiin doono lacago dheeraad ah hadii uu Gunners-ka guulo u horseedo. Sida uu wargeska The Metro sheegay Balotelli wuxuu noqon doonaa laacibka Arsenal ugu mushaarka badan hadii uu London usoo dhaqaaqo wuxuuna ka sara mari doonaa Mesut Ozil oo haatan Arsenal ugu mushaarka badan.
Sidoo kalena wargeska The Metro ayaa sheegay in Arsenal ay dhigooda Milan ku wareejin doonto £27m, waana qiimo lacageed oo ay maamulka Milan u baahan yihiin si ay ugu soo iibsadaan xidigaha ay dooneyso Milan.
23-jirkan ayaa lagu wadaa inuu Arsenal ka saaro dhibaatada dhanka weerarka ka heesato madaama Olivier Giroud kaligiis uu ku guul dareestay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday inuu Arsenal goolal badan u dhaliyay.