Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo £40m Ku Dooneyso Mid Ka Mid Ah Xidigaha Ugu Muhiimsan Kooxda Bayern Munich

Arsenal Oo £40m Ku Dooneyso Mid Ka Mid Ah Xidigaha Ugu Muhiimsan Kooxda Bayern Munich


Muller

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhigeeda Bayern Munich wada xaajood rasmi ah la furto waxayna Gunners-ka niyada ku hayaan inay lasoo saxiixdaan mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Bayern.

Inkastoo Arsenal aysan rabin inay lumiso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay kooxda reer Jarmal hadana macalin Arsene Wenger wuxuu si gaar ah u xiisanayaa inuu xagaagan lasoo saxiixdo Thomas Muller oo haatan kusoo baxay hogaamiyaha xulka Jarmalka madaama uu koobka aduunka wacdaro ka dhigaayo waxayna Arsenal xidigan tayada wanaagsan ku dooneysaa £40m waana qiimo lacageed ee Bayern u diido doono nasiino.

Inkastoo Muller uu dhawaan Bayern Munich heshiis waqtigiisa dheer yahay u saxiixay hadana Arsenal ayaa sheegtay inay rajo wanaagsan ka qabto soo xero galinta laacibkan waxayna u kaashan doontaa xidigaha ay xulka Jarmalka ka wada tirsan yihiin Mesut Ozil, Per Mertesacker iyo Lukas Podolski kuwaas oo dhamaantood ku qaal qaalin doonaan Muller inuu Arsenal kusoo biiro xagaagan.

Arsenal ayaa quus ka taagan soo xero galina xidigahii ay ku raad joogtay sida Mario Balotelli iyo Alexis Sanchez waxayna haatan ka door bidee Thomas Muller oo ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa, Muller ayaa Bayern kusoo biiray asigoo 11-sano jiro wuxuuna ilaa haatan kooxdiisa u dhaliyay 99-gool asigoo u saftay 256-kulan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close