Home » Horyaalada » Bundesliga » Arsenal Oo £19.8m Ku Qaadaneyso Xidigii Ay Doonayeen Manchester United Iyo Barcelona

Arsenal Oo £19.8m Ku Qaadaneyso Xidigii Ay Doonayeen Manchester United Iyo Barcelona


???????????????????????

Kooxda Arsenal ayaa hormar fiican ka sameysay dalabkii ay u dirtay xidigga Kooxda Borussia Dormund marsco Reus, kaasoo siweyn loola xiriirnayey kooxaha Manchester United , Barcelona iyo kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Sida ay qortay Metro Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa dhexda u xirtay sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa laacibka Xulka Germany.

Koooxda Arsenal oo Xidigaan 25 jirka kadaba wareegeysay seddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa Xiligaan u muuqato inay tallaabo  horumar ah u qaatay lasoo saxiixashadiisa, waxayna miiska saartay adduun lacageed oo gaaraya ilaa £19.8 million .

Xidigaan ayaa dhaliyey 21 gool 37 Kulan oo uu saftay Borussia Mönchengladbach ka hor inta uusan kusoo biirin kooxda Dortmund 2012.

Xilli Cayaareedkiisii ugu horeeyey ee kooxda Dortmund ayuu dhaliyey 19 gool 47 kulan oo uu saftay, wixii kusoo kordha waxaad kala socon doontaa hiilkubad.com

Close