Kooxda Gunners-ka waxay dooneysaa inay sid ugu dhaqsiyaha badan suuqa Yurub kaga dukaameesato sidoo kalena ay diyaar garow adag usii gasho xili cayaareedka dambe 2014/15 sidaa darteed macalin Arsene Wenger wakiilada u joogaan dalka Spain ayaa ku wargaliyeen inay dhameestiri rabaan saxiixa weeraryahanka xulka France iyo naadiga Real Sociedad Antoine Griezmann.
Sidoo kalena Arsenal xidigan qiimo jaban kuma soo qaadan doonto madaama ay Real Sociedad dul dhigtay £18m haatana Gunners-ka lacagahas inay bixiso ayay ogolaatay, wararka ayaa intaas ku daraayo in xidigan dhalinta yar uu magaalada London usoo duuli doono si uu tijaabo caafimaad u maro inkastoo weli kooxdiisa Sociedad aysan si rasmi ah u shaacinin inay dalabka Arsenal aqbshay.
23-jirkan ayaa dadaal dheeri ah sameeyay 12-bilood ee aan kasoo gudubnay madaama uu kooxdiisa Real Sociedad u dhaliyay 20-gool asigoo u saftay 49-kulan sidoo kalena waxaa lagu amaanay inu yahay cayaaryahan dadaal badan taasina waxay keentay in xulka France loogu yeero sidoo kale xidigan waxaa ku raad joogaan kooxaha PSG iyo Man United balse macalin Arsene Wenger ayaa kaalin muuqato ka qaatay in Griezmann uu Arsenal doorto xidigan ayaa lagu wadaa inuu xili cayaareedka dambe Arsenal dhanka weerarka ka caawiyo.
Sidoo kalena uu ka garab cayaaro Olivier Giroud oo xili cayaareedkii dhamaday kaligaas ahaa weeraryahankii ay Arsenal lasoo shirtagtay tartan walbo.