Kooxaha sadexda ah ee ka dhisan horyaalka Premier League, Arsenal, Chelsea & Man United ayaa lagu wargaliyay qiimaha ay kula saxiixan karaan burburiyaha xulka Brazil Luiz Gustavo kaas oo haatan ka tirsan kooxda Wolfsburg ee horyaalka Jarmalka.
Xidigii hore kooxda Bayern Munich ayaa ku biiray Wolfsburg xagagii aynu kasoo gudubnay madama tababare Pep Guardiola uu ku fakaray in xidigaan uusan boos ka heleynin kooxda Javi Martinez oo kooxda ku sugan darteed.
Si Kastaba 26-jirkaan waxaa dalab usoo diray 20 Malyan ah kooxda Inter Milan inkastoo kooxda reer Jarmal ay ku gacan seyrtay iney aqbasho dalabkaas madama ay xidigeeda ku dooneyso aduun dhan 26 Malyan Oo Pound.
Arsenal iyadu waxey sidoo kale saf ugu jirtaa Sami Khedira kaas oo kusii dhawaanaya inuu ku biiro Arsenal madama uu iska diiday heshiis ay Real Madrid usoo bandhigtay.
Manchester United waxey aad u dooneysaa burburiye heer sare inkastoo Awooda Gustavo ay tahay mid la isku haleyn karo hadana Van Gaal ayey ka warsugayaan madaxda kooxda kaas oo isbucyada soo aadan kusoo wajahan Old Traford.
Ugu dambeyntiian Wolfsburg ayaa diyaar u ah iney iibiso Gustavo balse waa kooxdii la timaada 26 Malyan Oo Pound.
Profile