Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka Manchester United Javier Hernandez kaas oo doonaya inuu ka tago kooxda ka dhisan Old Trafford.
Weeraryahankaan reer Mexico ayaa xulkiisa kala qeyb galaya koobka Aduunka kuwaas oo wareega 16-ka usoo gudbay balse kuma faraxsana nolosha ku heysata magaalada Manchester.
Xidigaan heerka caalami ayaa kursiga keydka galay kadib markii David Moyes uu xilka United la wareegay inkastoo Moyes la raacdeeyay, hadana uma maleynayo inuu Van Gaal boos ka heli doono.
Tababare Van Gaal ayaa dalbaday Thomas Muller iyo Cavani kuwaas oo weeraryahano ah tiiyoo ay sii joogaan RVP iyo Rooney.
Profile