Kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal ayaa wajaheysa naadiga reer Turkey ee Besiktas kulamada play-offka ee loogu soo baxayo wareega Groupyada Koobka Champions League kadib isku aad lagu qabtay xarunta xiriirka qaarada yurub ee magaalada Nyon dalka Switzerland.
Dhanka kale kooxda talyaaniga ah ee Napoli ayaa iyana wajaheysa dhigeeda reer Spain Atletico Bilboa, kooxdaan reer Spain ee Atletico ayaa kaliya hal mar oo kale kasoo muuqday wareega groupyada tan iyo markii groupka ay ku hartay xili ciyaareedkii 1998-1999.
Sidoo kale kooxaha Lille iyo Porto ayaa is wajahay, halka Bayer Leverkusen ay la ciyaareyso kooxda Coppenhegan, iyadoo kooxda reer Belgium ee Standard Liege ay iyana qaabileyso Zenit oo Russia ka socota.
Kooxda Celtic ee dalka Scotland ayaa dib loogu soo celiyay wareegaan kadib markii la reebay, iyadoo taasna ay sahashay kadib markii kooxda Legia Warsaw ay bixin weysay qarashka kadib qaladaad dhanka maamulka ah.
Isku Aadka Oo Dhameystiran:
Maribor (SVN) | VS | Celtic (SCO) |
Salzburg (AUT) | VS | Malmo (SWE) |
Aalborg (DEN) | VS | APOEL (CYP) |
Steaua Bucharest (ROU) | VS | Ludogorets (BUL) |
Slovan Bratislava (SVK) | VS | BATE (BLR) |
Besiktas (TUR) | VS | Arsenal (ENG) |
Standard Liege (BEL) | VS | Zenit St Petersburg (RUS) |
Copenhagen (DEN) | VS | Bayer Leverkusen (GER) |
Lille (FRA) | VS | Porto (POR) |
Napoli (ITA) | VS | Athletic Bilbao (ESP) |
Lugta hore ee kulamadaan waxaa la ciyaari doonaa 19-ka iyo 20-ka August, halka lugta labaadna la ciyaari doono, 26-ka iyo 27-ka isla bisha August, waxaana xiligaas 10-ka kooxood ee soo baxa ay ku biiri doonaan 22-kooxood oo horay diyaar u ahaa.
4 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Arsenal vs Besiktas, Napoli vs Atletico Bilboa: Isku Aadka Play-offka Champions League Oo La Sameeyay