Home » Horyaalada » Bundesliga » Arjen Robben oo Raali Gelin Ka Bixiyey Qaladaad Uu Sameeyey Kulankii Holland iyo Mexico

Arjen Robben oo Raali Gelin Ka Bixiyey Qaladaad Uu Sameeyey Kulankii Holland iyo Mexico


robin

Weeraryahanka halista ah ee Xulka Holland iyo Kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa xalay sameeyey dhow istuur oo uu isku dayey inuu qiyaano Garsooraha dhex dhex dhexaadinayey kulankii ay 2-1 kaga adkaadaan Mexico.

Robben ayaa qirtay inuu xalay sameeyey dhowr jeer oo istuur ah si loo siiso gool ku laad, iyadoo la ogyahay in goolkii ay guusha ku gaartay Holland lagu galay xidigaan.

“ waxaan caddeenayaa in qaladkii aan ku helnay Gool ku laadka uu ahaa mid saxan, Laakiin waxaan jeclahay inaan raali gelin ka bixiyo dhowr jeer oo aan qiyaano ku sameyn rabay garsooraha” ayuu yiri xidigaan.

“ Waxaan Lagama maarmaan ah inaan raali gelin bixiyo, Gool ku laadkii dhamaadkii cayaarta wuxuu ahaa mid sax ah oo muuqday, Laakiin waxaa jirta qeybtii hore ee cayaarta inaan sameeyey Istuur Been ah, Taasna waa mid aan dhici doonin mar dambe”.

“ Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaan tuuro gool ku laadkaas Laakiin waxaan u hibeeyey saaxiibkey Huntlaar shabaqa ayuuna ku hubsaday”

Garsooraha Kulankaan  Pedro Proenca oo u dhashay Dalka Portugal ayaa laba jeer ku fahmay Robben kadib istuuritaan been ah oo uu sameeyey, inkastoo xidigaan uu raali gelin ka bixiyey.

Turning point: Robben's left foot is clipped by the boot of Mexico defender Rafael Marquez

 Tumble: Robben goes over and the Portuguese referee awards a penalty deep into injury time

Close