Laacibka ugu xawaaraha dheereeyo dhamaan xirfadlayaasha kubada cagta Arjen Robben ayaa si gaar ah uga hadlay yoolka uu hiigsan doono xili cayaareedkan 2014/15, xidigan tayada wanaagsan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan tababarka kooxdiisa Bayern Munich dib ugu soo laabto kadib markii fasax dheeri ah la siiyay wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedkan kooxdiisa kula guuleesto mar labaad koobab muhiim ah wuxuuna yiri “dabcan mar labaad ayaan doonayaa inaan Bayern koobab muhiim ah kula guuleesto waxaana xili cayaareedkan hadaf gaar ah ka dhigan doonaa sidii aan mar labaad ugu guuleesan lahaa koobka horyaalada Yurub”
Arjen Robben iyo xulkiisa Holland waxay koobka aduunka ka galeen kaalinta 3-aad kaasi oo dalka Brazil lagu soo gaba gabeeyay bishii hore sidaa darteed weeraryahankan ayaa sheegay inuu niyad jabkii koobka aduunka iska iloobay haatana si gaar ugu hanqal taagayo bilaabashada xili cayaareedkan cusub, sidoo kale Robben ayaa amaan balaaran iyo dhiiri galin usoo jeediyay daafaca Bayern Munich Holger Badstuber oo dhawaan garoomada dib ugu soo laabtay wuxuuna Robben yiri “aadban ugu faraxsanahay in Holger uu garoomada dib ugu soo laabtay waa daafac tayo wanaagsan sidoo kalena u qalmo inuu kubada cagta heer sare ka gaaro”
Holger Badstuber ayaa dhawaan garoomada dib ugu soo laabtay wuxuuna xidigan kubada cayaarin tan iyo bishii December ee sanadii 2012 kadib markii labo heer qaliin dhanka jilibka looga sameeyay
Profile