Home » Maxaa Cusub » Argentina Oo Guul Loo Rafaaday Ka Gaartay Iran, Xili Lionel Messi Uu Noqday Badbaadiyaha Argentina

Argentina Oo Guul Loo Rafaaday Ka Gaartay Iran, Xili Lionel Messi Uu Noqday Badbaadiyaha Argentina


Messi

Kabtan Lionel Messi ayaa noqday badbaadiyaha Argentina markii uu waqtigii dhimashada gool loo rafaaday iyo guul loo dhintay gaarsiiyay xulkiisa inkastoo kubadu ay aheyd mid si aad ah looga fakaray.

Geesinimadii Goolhayaha reer Iran Alireza Haghighi ayaa halkaas kusoo idlaatay isagoo xulkiisa ka saacidi waayay iney dhibic kale ka qaadato xulka Argentina.

Argentina oo raadineysa guusheedii labaad iyo Iran oo raadineysa guusheedii ugu horeysay koobka Aduunka ayaa isku wajahay garoonka Estadio Mineirao.

Sergio Aguero ayaa sameeyay isku daygii ugu wanaagsanaa ee Argentina qeybta hore ee ciyaarta iyadoo Iraniyiinta ay kusoo tashteen iney iska ilaaliyaan weerarka afka libaax ah ee Argentina balse Higuain ayaa caawiyay Aguero kaas oo darbo qatar aheyd goolka ku riday balse goolhayaha ayaa ka diiday.

Tababare Carlos Quieroz ayaa wiilashiisa kula soo dardaarmay ineysan ka bixin qeybtooda iyadoo Messi uu daboolmay qeybta hore ee ciyaarta.

Laad xor ah oo ka yimid Messi-na daqiiqadii 35-aad waxaa Madaxeeyay Gray balse kor ayey ka martay oo goosha kuma aadin, Iraniyiinta ayaa helay laba fursadood o madax ah balse gosha kuma aysan aadin iyadoo qeybta hore ee ciyaarta lagu kala nastay 0-0 oo gool la’aan ah.

Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo fikrado laga soo qaatay macalimiinta labada xul, balse Argentina ayaa bilowday cadaadis badan oo ay saareyso goolka Argentina.

Pablo Zabaleta ayaa u dhawaaday inuu shabaqa so taabto marki Messi uu ka dhex siiyay diilinta dhexdeeda kubad qurux badan balse daafaca Manchester City ayaa lugta bidix si fiican ugu qaabeeyay inkastoo aysan u noqon daqiiqadii 50-aad.

Iran ayaa heshay weerar xariiftan badna uu ku dheeh oo weerar celis ahaa balse goolhaye Romero ayaa si ciriiri ah isaga badbaadiyay kubad gool loo fishay daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta.

Mar kale Iran ayaa weerar gaadmo ah gashay taasoo sababtay in loo dhawaado goolka Argentina, balse Pablo Zabaleta ayaa qalad ku galay xidig ka tirsan Iran isagoo ku sugan xerada ganaaxa balse garsooraha ayaan waxba u dhigin inkastoo ay murmeen xidigaha reer Iran.

Lionel Messi ayaa dhaqaaqiisii ugu fiicnaa ciyaarta sameeyay daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta markii uu u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Argentina, isagoo banaanka ka jooga diilinta ayuu kubad qurux badan la beegsaday goolka balse waxba uma jirsan goolka oo wey hareer martay.

Goolhaye Romero ayaa noqday geesiga Argentina markii uu badbaadiyay kubadii ugu qatarsaneed ee ay helaan Iraniyiina markii Ashkan Dejagah uu kubad qatar aheyd madaxeeyay daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta.

Argentina ayaa sameysay fursad qaali ah isla waqtigaa markii Di Maria uu kubad qatar aheyd soo dhexdhigay goolka Iran balse goolhaye Alireza Haghighi ayaa ka baxiyay daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Argentina markii laad xor ah oo goosha u dhaw loo dhigay balse kabtanka xulka ayaa kubada geeska shabaqa uga dhuftay daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta.

Geesiga Iran wuxuu noqday goolhaye Alireza Haghighi kaas oo kubad aan ka fogeen ka badbadiyay Angel Di Maria oo fursad u heysatay inuu go’aano badan qaato balse xidiga Real Madrid ayaa kubad ku darbeeyay goolhayaha inkastoo laga qabsaday daqiiqdii 74-aad ee ciyaarta

Argentina ayaa cadaadis saareysa goolka Iran iyo Palacio iyo Di Maria laga badbaadiyay laba fursadood oo gool loo fishay, dhanka kale Iran ayaa mar kale halis galisay goolka Argentina markii weerar gaadmo ah lagu helay balse goolhaye Romero ayaa badbaadiyay kubad shabaqa ku socotay.

Iran waxey lasoo baxday dhiiranaan iyo gaadmo waxeyna sameyneysaa iska caabin wanaagsan, sidoo kalana kulankii hore 0 – 0 ayey la galeen Nigeira.

Wax la is jiidjiido Boqorka Barcelona Lionel Messi ayaa soo afjaray nolosha ciyaarta markii waqtigii dheeriga ah uu gool cajiib ah ka dhaliyay Iran isla markaana Argentina u sahlay iney guul lagu rafaado ka gaarto Xulka uu hogaamiyo Carlos Queiroz.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close