Home » Maxaa Cusub » Antonio Conte Oo Laga Filayo Inuu Aqbalo Qabashada Xilka Tababaranimo Ee Xulka Talyaaniga

Antonio Conte Oo Laga Filayo Inuu Aqbalo Qabashada Xilka Tababaranimo Ee Xulka Talyaaniga


Conte

Tababarahii hore Juventus Antonio Conte ayaa kusii dhawaanaya inuu aqbalo shaqada tababaranimo ee xulka talyaaniga kadib markii uu lasoo xiriiray madaxweynaha cusub ee xiriirka kubada cagta talyaaniga Carlo Tavecchio.

Xulka Azzurri ayaa ah tababare la’aan tan iyo markii uu Cesar Prandelli iska casilay xilkaan kadib koobkii Aduunka ee ay foolxumada kaga soo hareen, balse tan iyo xiligaas lama magacaabin macalin cusub madama aan la dooran madaxa xiriirka kubada cagta, balse haatan Tavecchio ayaa si rasmi ah loogu doortay.

Tavecchio ayaa shalay ku dhawaaqay inuu la hadlay Antonio Conte.

“Waan la xiriiray Conte waana la hadlay, waxaan ka helay ruux (isbiirid) wanaagsan balse ma dhihin wax badan” Ayuu yiri Tavecchio.

“Waan u sheegay sida aan wax u rabno ma ogaan karo hadii uu aqbalayo” ayuu mar kale yiri.

Si Kastaba Sky Sports Italia ayaa dareensan in tababrahii hore Juve iyo Siena uu yahay shaqsi ku haboon xilkaan isla markaana leh awood maamul uu dib ugu soo celin karo noloshii Azzurri ee kubada cagta dunida.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close