Weeraryahanka dhanka garabka ee kooxda SS Lazio Antonio Candreva ayaa shaaca ka qaaday iney farxad u tahay la xiriirinta lala xiriiriyay kooxda faransiiska ka dhisan ee PSG.
Xidigaan reer Talyaani ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Lazio bishii October ee tagtay wuxuuna saxiixay heshiis gaaraya 2018.
Si Kastaba PSG ayaa ku warantay iney quuldareyneyso iney garoonka Parc des Princes xagaagan kusoo biiriso 27-jirkaan xariifka ku ah ka dagaalanka garabka midig ee weerarka. “Paris waa doorasho aad u fiican” Ayuu Candreva u sheegay Telefoot.
“Waa mid ka mid ah kooxaha ugu weyn yurub”
“Aad baan ugu faraxsanahay in la ila xiriiriyo kooxda PSG, waan arki doonaa waxa dhaca maalmaha soo aadan”.
Dhanka kale Madaxweynaha Kooxda SS Lazio Claudio Lotito ayaa bishii lasoo dhaafay si cad u qeexay inuusan jirin fursad uga banaan Candreva inuu kaga tago caasimada talyaaniga balse ilo wareedyo hoose oo laga helayo kooxda Lazio ayaa sheegay in kooxda garoonka Olympico bah wadaaga kula ah Roma aysan diidi doonin hadii ay faraqa loogu shubo 30 Malyan Oo Euro.