Home » Horyaalada » La liga » Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto

Angel Di Maria Oo Diiday Inuu Ka Hoos Cayaaro Mourinho Iyo Real Oo shaacisay Qiimiaha Ay Ku Fasixi Karto


?????????????????????????????????????????????????????????????????

Angel Di Maria ayaa hadda qadarinaayo inuu u wareegsado horyaalka ingiriiska, wuxuuna diiday dalabkii kaga imaaday kooxda Chelsea oo uu macalinka u yahay Jose Mouinho sida ay qortay Daily Express.

Kooxda Chelsea ayaa kamid ah kooxo badan oo xiiseenayo xidigaan reer Argentina kuwaasoo ka kala dhisan horyaalada ugu caansan qaaradda Yurub iyadoo kooxda Real Madrid ay sheegtay inay ku fasixi karto 40 Malyan.

Macalinka kooxda Arsenal Wenger ayaa soo cusbooneysiiyey xiisihii uu u qabay Di Mari, iyadoo la xasuusto in wenger uu sanadkii hore ku fashilmay dalabyadii uu u diray Benzema iyo Di Mari.

Wararka ayaa sheegaya inay Arsenal diyaar u tahay inay ka dulqaado xidigaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United, iyadoo Di Mari uu xiiseenayo kooxda Arsenal.

dhibka keenay in xidigaan uu diido dalabka Chelsea ayaa lagu micneeyey inuusan jecleyn ka hoos cayaaridda macalinka kaligii taliska ah ee Chelsea Mourinho, midkaas oo ay isku soo dagaaleen kooxda Chelsea intii uu macalinak u ahaa.

 

Close