Home » Europe » Champions League » Andres Iniesta Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Guardiola Ee Camp Nou Iyo Kulanka Caawo

Andres Iniesta Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Guardiola Ee Camp Nou Iyo Kulanka Caawo


ineasta

Kubad sameeyaha kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa siweyn ugu hanqal taagayo inuu caawo gacan qaado sidoo kalena ay is marxabeeyaan macalinkiisii hore Pep Guardiola.

Caawo kulan culus oo ah Semi Finalaha Champion-ka lugtiisa kowaad waxaa ku dagaalami doonaan kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich.

Hadaba Andres Iniesta oo ka hadlaayo soo labaashada Guardiola ee Camp Nou wuxuu yiri “Pep marwalbo wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka sida weyn looga jecel yahay Camp Nou”

“Waxaan xasuustaa sanadii 1999 anigoo kooxda hoose ee Barcelona u cayaarayo markii aan guuleesanay inuu Guardiola koobka i gudoonsiiyay waxayna ahayd markii ugu horeesay ee aan kulanay maalinkaas”

“Wixii markaas ka dambeeyay waqti aad u wacan ayaan soo wada qaadanay weliba caawo qaas ayay ii noqon doontaa inaan is gacan qaadno ka hor bilaabashad kulanka adag”

30-jirkan ayaa geeska kale ka hadlay kulankan culus iyo cadaadis uu ku hayo xidigaha labada naadi wuxuuna yiri “Waa run in kulankan oo kale uu culees daran wato balse waxaa muhiim ah inaan daganaan muujino sidoo kalena aan kubada ku raaxeesano”

“Waa cayaar miisaan culus sidoo kalena 180-daqiiqo ayaa ka dhaxeyo Barcelona iyo Bayern Munich”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>