Home » Horyaalada » La liga » Andreas Iniesta Oo Barcelona Ku Wargaliyay Iney Ilaashadaan Lionel Messi

Andreas Iniesta Oo Barcelona Ku Wargaliyay Iney Ilaashadaan Lionel Messi


Andres-Iniesta-Lionel-Messi-2014-Wallpaper-HD

Andreas Ineista Lujan oo khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Barccelona ee dalka Spain ayaa aaminsan in xidiga ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi uu sii joogi doono garoonka Camp Nou xili warar badan oo isi soo taraya ay sheegayaan in xidigaan uu ka dhaqaaqi doono kooxda.

Xidiga reer Spain ayaa difaacay qaab ciyaareedka la dhaleeceyay ee Lionel Messi uu soo bandhigay dhawanahaan isagoo soo jeediyay in Lionel Messi uu wali yahay xidig aan isbadalin.

Maamulka Kooxda Barcelona ayaan wali xaaladaan soo faragalin inkastoo Andreas Iniesta oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda uu sheegay iney muhiim tahay in kooxda ay ilaashato Lionel Messi.

“Ma jirto qaab kale oo uu leeyahay, waana qaabka ugu fiican, mana jirto qof ka fiican kubada cagta” Ayuu yiri Iniesta.

Sidoo kale Iniesta ayaa intaas ku daray: “Barcelona ma heli doonto xidig Lionel Messi oo kale ah”

Dhanka kale ganaaxii ay FIFA kusoo rogtay Barcelona ee ku aadanaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa hakad la galiyay iyadoo kooxda Camp Nou ka dhisan ay haatan lasoo saxiixan karto xidigii ay doonto.

“Waa war wanaagsan in nalaga qaado ganaaxii, waxaana rajeynayaa in Barca xoog soo yeelan donto dhawaan”

Ugu dambeyntiina Andreas Iniesta ayaa ka hadlay guuldarooyinkii is xigay ee soo gaaray kooxda iyo hadii ay hami ka leeyihiin horyaalka xili ciyaareedkaan.

“Marka aad kubada cagta ciyaareyso waa inaad ku tashato guul iyo guuldaro, waan isku dayeynaa wali inaan wax wanaagsan sameyno” Ayuu Iniesta yiri.

“Waa suuragal inaan qaadno horyaalka waayo afar kulan ayaa dhiman balse qaabka ugu xun ee kubada cagta wa inaad isku tiirsanaan weydo”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close