Kubad sameeyaha da’da ah ee kooxda Juventus & Xulka Italy aya ka hadlay kasoo hayaamidii Ac Milan, Wiilka da’da yar ee xulka France Paul Pogba iyo Cida uu la doonayo iney ku guuleysato Ballon D’Or.
Kubad sameeyahaan ayaa la hadlay Sky Sports Italia wuxuuna ka hadlay dood loo qabtay ciyaartoyda ka hor kulanka Napoli ee Axada dhexmari doona labadaan Kooxood.
“Guul aan gaarno Axada waxey ka dhigan tahay inaan qalqal galino Roma oo hogaanka ku fadhisa, mana hubo inaan ka adkaan karno waayo Napoli waa koox leh tayo wanaagsan” ayuu yiri Pirlo.
“Napoli qaabkeeda wuu badalmay kadib Macalin Rafael Benitez kuwaas oo guulo ku socda, waxeyna xooga saaraan weerarada rogaal ceiska Waxey mudan yihiin in la amaano gaar ahaan Gonzalo Higuain” ayuu yiri.
Andrea Pirlo ayaa ah xidiga kaliya ee ka magacaaban Horyaalka Serie A-da iyo Xulka Talyaaniga kaas oo kasoo muuqday 23-xidig oo loo magacaabay iney isugu soo hareen abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan dundia ee Fifa Ballon D’Or taas oo lagu dhawaaqi doono Bisha January ee sanada soo aadan.
“Waan ku faraxsanahay inaan kasoo muuqdo liiska, waxaan siin lahaa codkeyga Franck Ribery [Bilaal] kaas oo sanadkii hore cadeeyay awoodiisa kuna guuleystay koobab badan” ayuu yiri Pirlo.
Dhanka Kale Pirlo ayaa ka hadlay Wiilka yar ee reer France Paul Pogba kaas oo xowli kusoo galay kubada cagta talyaaniga wuxuuna ka yiri:
“Pogba wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah kubad sameeyayaasha ugu wanaagsan dundia, waa wiil xoogan kaas oo leh xirfad aad u heer sareysay”
Pirlo ayaa kasoo hayaamay Milan isagoo yimid Juventus 10-sano oo uu kusoo qarashgareeyay kooxda Milan markii uu qandaraaska ka dhacay wuxuuna si xor ah u yimir magaalada warshadaha badan ee Turin.
“Heshiiski Milan ayaa soo idlaaday waxeyna doonayeen iney iga saxiixaan heshiis waqti yar waxana go’ansaday inan ka dago turin halkaas oo aan ku muujiyay awoodeyda mudo sadex sano ah”
Ugu dambeyntii Pirlo ayaa haatan shaki la galinayaa mustaqbalkiisa Juventus madama xidigaan la sheegay inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin Biancoanerri.
Waxaa Aqrisay: (804)
Mogadishu - Somalia