Home » Maxaa Cusub » Andrea Pirlo Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Andrea Pirlo Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


Andrea+Pirlo+Italy+National+Team+Depart+Brazil+Gd3tSm8pxmbl


Aqristayaasheena sharafta leh maantana waxaan idiin heynaa xog gaar ah oo ku saabsan ruug cadaaga xulka Italy iyo naadiga Juventus Adrea Pirlo oo ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan caalamka, xidigan oo lagu tilmaamo caqliga Italy iyo Juve ayaan idin kaga heynaa macluumaad ku saabsan hantida uu heesto, mushaarkiisa, guulaha uu gaaray iyo koobabka tirade badan ee uu ku guuleestay intii uu kubada cagta kusoo jiray, fadlan hoos kaga bogo Andrea Pirlo iyo xogtiisa oo dhameestiran:

Andrea Pirlo Salary 2014

Pirlo iyo lacagaha nadiifka ah ee uu heesto : £19.5 Million

Mushaarka sanadlaha ah: 3.5 Million EUR (2012)

Xiliga uu dhashay : May 19, 1979

Da’diisa : 34 Year sano

Goobta uu ku dhashay : Flero, Italy

Magaca xaaskiisa : Deborah Roversi

Pirlo

Andrea Pirlo iyo waxqabadkiisa cayaareed oo kooban:

Ruug cadaagan kubada cagta heerkii ugu sareeyay ayuu ka gaaray maantana waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan ee tariikh ahaan kasoo muuqdeen Serie A-da sidoo kalena xirteen maaliyada xulka Italy, Pirlo waayihiisii ugu horeeyay kooxda Inter Milan ayuu kusoo qaatay balse ma helin fursad uu kusoo bandhigo tayada ku duugneed waxaana ka faa’iideesatay kooxda AC Milan oo si fudud gacanta ugu dhigtay runtii waqtigisii ugu wanaagsanaa Milan ayuu lasoo qaatay wuxuuna kula guuleestay koobka horyaalada Yurub labo jeer sidoo kalena Serie A-da labo jeer ayuu la qaaday mudadii uu Milan ku sugnaa wuxuu u saftay in ka badan 284-kulan asigoo u dhaliyay 32-gool, balse sanadii 2011 ayuu isbadal la yaab leh sameeyay wuxuuna ku biiray kooxda Juventus ilaa haatan kooxdan labo horyaal oo xariir ah ayuu la qaaday sidoo kalena qaab cayaareedkiisii wanaagsanaa sare ayuu usii qaaday.

Koobabka kala duwan ee uu ku guuleestay intii uu kubada cagta kusoo jiray

Coppa Italia in 2002–03 –AC Milan

UEFA Champions League – 2 jeer

 UEFA Super Cup – 2 jeer

Serie A – 4 jeer – (Juventus , AC Milan)

FIFA Club World Cup 2007

Olympic bilada maarta 2004

FIFA World Cup 2006 –Italy

Biladaha shaqsiyadeed ee uu Pirlo ku guuleestay:

2006 FIFA World Cup All-star team

2006 FIFA World Cup kubada maarta

2006 FIFA World Cup xidiga goolasha ugu badan dhiibay

FIFPro World XI 2006

Pallone d’Argento: 2011–12

Serie A Player of the Year in 2012

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close