Daafaca xulka Italy Andrea Barzagli ayaa saxaafada la wadaagan xidiga uu aaminsan yahay in caawo uu xulkiisa halis galin karo cayaarta ay la cayaari doonaan dhigooda England, madaama Barazgli uu leeyahay waayo aragnimo ku filan sidoo kalena uu mudo dheer xulka Italy ka tirsan yahay wuxuu farta ku muuqay laacibka caawo ay dhibaatada weyn kala kulmi karaan wuxuuna yiri “Wayne Rooney ayaan ka casbi qabaa inuu caawo halis inoo geesto inkastoo saxaafada England ay hadal heyso in xidigan la fariisiyo hadana waa nasiib daro laacib heer caalami ah in tayadiisa shaki la galiyo sida darteed hadii uu caawo safto halista ug weyn dhankiisa ayay inooga imaan doontaa”
Daafacan tayada wanaagsan Andrea Barzagli waxaa la xaqiijiyay inuusan xulkiisa Italy safan doonin kulamada ay qaybaha guruubyada cayaari doonaan madaama dhaawac halis ah uu ciribta kasoo wajahan balse midaas kama hor istaagi doonto inuu xulkiisa niyada u dhiso wuxuuna yiri “Waxaan wadanaa xidigo tayo wanaagsan oo kulamada soo socdo guulo na gaarsiin karaan aniga doorkeyga wuxuu noqon doonaa inaan xulkeyga guubaabiyo madaama aanan cayaari karin” 8-sano ka hor Andrea Barzagli wuxuu ka mid ahaa xidigahii xulka Itlay kula guuleestay koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Jarmalka wuxuuna ka dhawaajiyay xidigahii Italy 2006 u qaadeen tartankan iyo kuwa haatan ku sugan dalka Brazil ay isku mid yihiin sidaa darteed daafacan ka tirsan kooxda Juve wuxuu aaminsan yahay inay sanadkan koobka aduunka ku guuleesan karaan.