Xidiga Khadka Dhexe kooxda Olympique Marseille ayaa loo doortay xidigaha africa ee ka xamaasha horyaalka dalka faransiiska xidiga ugu wanaagsan.
25-jirkaan heerka caalami ee xulka Ghana kaas oo heshiiska uu kula jiro kooxda ku ciyaarta garoonka Stade Velodrome uu dhacayo dhamaadka xagaagan ayaa abaalmarintaan ku garaacay xidigaha Max-Alain Gradel iyo Aymen Abdennour kuwaas oo ayagana soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Andre Ayew ayaa ka mid ahaa wiilashii xulka Ghana ee rigoorooyinka ku lumiyay koobkii qaramada qaarada Africa ee ka dhacay Equatorial Guinea horaantii sanadkaan waxeyna guuldaro kala kulmeen Ivory Coast ciyaar ku dhamaatay 8-9.
Dhanka kale Andre Ayew ayaa la filayaa inuu horyaalka Ingiriiska usoo dhaqaaqo xagaagan, waxaana si ba’an u doonaya kooxaha Liverpool iyo Newcastle kuwaas oo baahi weyn u qaba xidigaan heerka caalami ee ku wanaagsan ka ciyaarida khadka dhexe.
Ugu dambeyntiina madaxweynaha Marsielle ayaaba xaqiijiyay in xidigaan uu kooxda isaga dhaqaaqi doono marka uu dhamaado xagaagan.