Kubad sameeyaha kooxda Atletico Bilboa Ander Herrera ayaa ka dagay magaalada Manchester si uu ugu biiro kooxda Old Trafford ku ciyaarta ee Manchester United.
Ander Herrera ayaa la kulmay halyeeyga Manchester United Sir Bobby Charlton kaas oo qeyb ka ah maamulka kooxda waxaana lagu qaabilay xerada tababarka ee kooxda Carrighton isagoo wehel uu u yahay wakiilkiisa.
Dhaqtarka kooxda United ayaa jooga halkaas balse sida la xaqiijiyay ma dhicin wax caafimaad ah, inkastoo wararka ka imaanaya England ay sheegayaan in xidigaan uu United ugu biirayo 35 Malyan Oo Euro, inkastoo lacagaha lagu jabinkaro heshiiskiisa lagu sheegay 40 Malyan Oo Euro.
Ander Herrera ayaa United soo caga dhigan doona July 1-deeda waa hadii uu si habsami leh kusoo dhamaado caafimaadka iyo is afgarashada labada kooxood.
Wakiilka xidigaan ayaa wax laga weydiiyay inuu faah-faahin ka bixiyo arinkaan, inkastoo uu ka gaabsaday wuxuuna kusoo koobay: “Wax walba wey socdaan aynu ka warsugno”
Ander Herrera ayaa u muuqanaya inuu noqdo saxiixii ugu horeeyay Louis Van Gaal ee Manchester United xili 24-jirkaan ay United ku fashilantay iney keento Old Trafford sanadii 2013.
Wuxuu macsalaameeyay saaxiibadiisii Spain sida warbixinta lagu sheegay, isagoo isbuucii United ka qaadan doona 180,000 Kun Oo Pound.
Profile