Weeraryahanka reer Brazil Alexandre Pato ayaa ka hadlay go’aankii uu AC Milan isaga tagay weliba asigoo heestay fursad uu qaarada Yurub kaga cayaaro ku doortay inuu dalka Brazil dib ugu laabto, Pato oo haatan ka tirsan naadiga Corinthians sidoo kalena dib ugu soo laabtay xulka Brazil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay waqtiga uu ku qaadanaayo dalka Brazil diyaarna u yahay inuu mustaqbalkiisa cayaareed qaarada Koonfur Ameerika kasii wato asigoo ka hadlaayo sababtii uu Milan uga soo tagay wuxuu yiri “waan ku faraxsanahay waqtiga aan ku qaadanaayo naadiga Corinthians sidoo kalena kama xumi inaan Milan isaga soo tagay waxaana u arkaa go’aankii aan halkan dib ugu soo laabtay mid sax ah”
24-jirkan soo labaashadiisa xulka Brazil gool ayuu ku af bilaabay kulankii ay 6-0 kaga badiyeen xulka Australia haatana niyada ayaa u dhisan madaama uu horyaalka Brazil wacdaro ka dhigaayo asigoo ka hadlaayo inuu haatan xulkiisa dib ugu soo laabtay wuxuu yiri “waan filaayay in macalin Scolari uu fursad I siin doono waayo dhaawanahay qaab cayaareed wanaagsan ayaan soo bandhigayaayay haatana hadafkeyga wuxuu yahay inaan xulkeyga koobka aduunka kala qayb qaato” Pato ayaa heesto fursad uu booskiisa kusoo xajisan karo madaama Brazil habeen dambe la cayaari doonaan xulka Portugal waxaana la filaa xidigan inuu kulan saaxiibtinimo cayaari doono.