Sport Mediaset ayaa cadeysay in weeraryahankii hore Milan Alexandre Pato uu dib ugu soo laaban doono garoonka Sansiro, balse markaan wuxuu xiran doonaa maaliyadda Inter Milan.
Weeraryahankii hore Milan ayaa haatan amaah ugu jooga kooxda Sao Paulo isagoo sanadii 2013 ku biiray kooxda Corinthians waxaana markaan uu dib ugu soo laaban doonaa qaarada yurub.
Sida ay sheegeyso Sport Mediaset ayaa sidoo kale cadeysay sir hoose oo ku aadan Alexandre Pato madama xidigaan reer Brazil uu guri ka gatay meel aan ka fogeen xerada tababarka kooxda Inter Milan sidoo kalana wuxuu iibsaday gaari talyaani ah.
Sidoo kale waxey ku warameen Pato oo 25 jirsan doono bisha September ayaa saaxiibadiisa reer Latin America kala sheekeystay xaalada ka jirta Inter.
Ma ahan markii ugu horeysay oo xidigaan lala xiriiriyo inuu dib ugu soo laabto talyaaniga bishii January ee sanadaan waxaa lala xiriiriyay kooxda Juventus.
Profile