Home » Horyaalada » La liga » Alex Song Oo Aan Ku Faraxsaneyn Doorka Uu Ku Leeyahay Kooxda Barcelona…

Alex Song Oo Aan Ku Faraxsaneyn Doorka Uu Ku Leeyahay Kooxda Barcelona…


Foto:Javi Ferrandiz

Kubad bur buriyaha reer Cameroon Alex Song ayaa markii ugu horeesay muujiyay sida uu uga xun yahay in kooxdiisa Barcelona ay kursiga kaydka ku ilwoday, inkastoo Barcelona oo macalin cusub la wareegay Tata Martino hadana xidigan rajadii uu ka qabay inuu heli doono fursad uu garoon ku galo ma dhicin wuxuuna weli hogaamiye u yahay laacibiinta todobaad walbo Barca kursiga kaydka u fariistan ka hor kulanka Barcelona La Ligaha cayaari doonto ayuu Songa afka kala furtay wuxuuna sheegay inuu dulqaadka ka dhamaaday asigoo ka hadlaayo xaalada uu ku sugan yahay wuxuu yiri “waan ka xumahay in dhankeyga aan hely fursad aan garoon ka galo waxaan qabay rajo wanaagsan xili cayaareedkan madaama Barcelona macalin cusub xilkeeda loo dhiibay balse marnaba ma helin fursad igu filan sidaa darteed halkan siweyn ayaan ugu niyad jabsanahay.

Song oo horey ugu cayaari jiray naadiga Arsenal ayaa la hadal hayaa inuu dib ugu soo laaban doono Premiership-ka England bisha Janaayo ee bilawga sanadka cusub madaama lala xariirinaayo kooxda Man United, hadalka kasoo yeeray dhiiri galin weyn ayuu u noqon doonaa masuuliyiinta Man United oo baahi weyn u qabaan kubad bur buriye tayo wanaagsan waxaana Song lagu qiimeeyaa 12-milyan oo pound balse kooxda Barcelona ayaan diyaar u ahayn xili cayaareedka oo meel dhexe maraayo inay cayaaryahan muhiim ah iska fasaxdo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close