Kooxaha Barcelona & Bayern Munich ayaa xifaaltankoodu dheeraaday iyadoo Chelsea ay faa’iido u tahay tartankaan u dhaxeeya labada kooxood.
Sida la rumeysan yahay David Luiz ayaa ka tagaya kooxda Chelsea iyadoo sheekada u ekeyd inuu ku biirayo kooxda Barcelona madama kooxda ka dhisan dalka Spain ay si ba’an u baadi goobeysay xidigaan mudooyinkii lasoo dhaafay, balse Arin ay la timid Bayern ayaa ku adkeeyay Barcelona madama kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ay Chelsea ku wareejineyso Mario Mandzukic si ay u hesho David Luiz.
Si Kastaba Barcelona ayaa fahantay qorshaha ay ciyaareyso Bayern iyadoo sameysay balan qaad yaab leh markii ay kooxda Blues ula tagtay qorshe ah in heshiiska David Luiz uu ku aadayo Barcelona qeyb looga dhigo xidiga flopka ku noqday Barcelona ee Alex Song oo horay uga soo hayaamay horyaalka Ingiriiska.
Is falisaad aan caadi aheyn ayaa ka jirta suuqa kala iibsiga qaarada yurub iyadoo Chelsea aysan wali go’aan qaadan madama la hubo in David Luiz uu ka tagayo Stamford Bridge.
Dhanka kale Paris Saint Germain ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafacaan heerka caalami balse kooxda ka dhisan faransiiska ayaan heshiiska David Luiz u adeegsan doonin ciyaariyahan.