Home » Maxaa Cusub » Alessandro Nesta Oo Tilmaamay Shaqsiga Ku Haboon Shaqada Xulka Talyaaniga

Alessandro Nesta Oo Tilmaamay Shaqsiga Ku Haboon Shaqada Xulka Talyaaniga



Daaficii hore xulka Azzurri Alessandro Nesta ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha haatan shaqada la’aanta ah ee Roberto Mancini uu yahay shaqsiga ku haboon shaqada xulka talyaaniga kadib is casilaadii Cesar Prandelli oo kusoo fashilmay koobka Aduunka ee haatan ka socda Brazil.

Prandelli ayaa xaqiijiyay wax ka yar 24-saac markii xulka Azzurri ay ka hareen koobka Aduunka balse Nesta ayaa aaminsan in xiriirka kubada cagta dalka talyaaniga ay u wacan tahay iney magacaabaan Roberto Mancini kaas oo dhawaan ka tagay kooxda Galatasaray ee dalka Turkiga.

“Mancini ayaa ah shaqsiga ugu fiican inuu maamulo talyaaniga” Ayuu 38-jirkii hore kooxda Milan u sheegay Goal.com.

Alessandro Nesta ayaa u saftay xulka Italy 78-kulan oo heer caalami ah isagoo hadalkiisa sii wata ayuuna yiri: “Wuxuu leeyahay qibrad ku filan oo uu ku maamuli karo Azzuri waana shaqsi fantastic ah”

“Isaga ayaan dooran lahaa intii aan Allegri dooran lahaa mana lahan wax qibrad caalami ah”

Sidoo kale Kabtankii hore xulka Azzurri Fabio Cannavaro ayaa isna qirtay inuu daneynay0 inuu qabto xilka tababaranimo ee xulka Azzurri.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close