Halyeega naadiga Juventus Alessandro del Piero ayaa ka hadlay magacaabista Pippo Inzaghi oo si rasmi ah looga dhigay macalinka cusub ee kooxda AC Milan madaama labadan shaqsi ay waqti aad u wanaagsan kooxda Juve kusoo qaateen waayahooda ay dhalinta yaraayeen sidoo kalena ay saaxiibo aad isugu dhow yihiin hadana Del Piero saaxiibkiis Inzaghi inuu dhanka macalinimada wax ka keeni karo shaki ayuu ka muujiyay wuxuuna yiri
“Waa arin lagu fududaaday in Inzaghi laga dhigo macalinka Milan waxaan oraan karaa waa go’aan uu Berlusconi ku qamaaray mana la sheegi karo waxa kasoo bixi doono”
Alessandro del Piero ayaa qirtay in Pippo Inzaghi uu kubada ka gaaray heer lagu faani karo sidoo kalena uu yahay halyee miisaan culus ku leh kubada cagta dalka Talyaaniga balse marka ay timaado kartidiida macalinimo cabsi weyn ayuu ka qabaa wuxuuna yiri
“ma garan karo heerka macalinimda waxa uu ka keeni doono balse waxaan leeyahay Milan iyo Inzaghi go’aan geesninimo ku dheehan ayay wada qaateen waxaana u rajeynaa nasiib wacan madaama aan Inzaghi guulo badan iska sii qeebsanay”
Ugu dambeyntii Del Piero ayaa meesha ka saaray inuu tababare noqon doono mustaqbalka dhow wuxuuna sheegay in arinkaas uusan haatan niyada ku heynin.