Halyeeygii hore Juventus Alessandro Del Piero ayaa soo afjaray waayihiisa kubada cagta dalka Australia inkastoo sidoo kale la dhihi karo wuxuu soo afjaray waayihiisa ciyaaraha kubada cagta isagoo kusoo dhexjiray mudo 22-sano ah.
Del Piero ayaa 2012 kasoo tagay kooxda Juventus isagoo soo afjaray 19-sano oo uu xirnaa maaliyada Bianconerri ee magaalada Turin balse xidigii hore xulka Talyaaniga ayaa isbuucii hore shaaciyay inuu dib ugu soo laaban doono kooxda Juventus.
Del Piero ayaa kulankiisii ugu dambeeyay kooxdiisa Sydney F.C. Guuldaro la huwiyay markii ay ka hor yimaadeen kooxda Melbourne waxaana uu si rasmi ah u shaaciyay inuu ka tagayo kooxda madama uu iska diiday inuu heshiiska u cusbooneysiiyo kooxdaan reer Australia.
Xidigii hore Juventus ee ku guuleystay Champions League iyo Koobka Aduunka ayaa lagu wadaa inu go’aan rasmi ah ka gaaro noloshiisa kubada cagta inuu meelo kale kasoo muuqan doono iyo inuu noqon doono hawl gab.