Tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa la filaa in maal maha nagu soo fool leh uu si rasmi ah u magacaabo xidigaha xulka England u matali doonaan koobka aduunka inkastoo la hubo in Wayne Rooney uu xulka England dhanka weerarka ka hogaamin doono hadana halyeegii hore ee Chelsea khadka dhexe uga cayaari jiray Alan Hudson ayaa si toos ah Rooney u weeraray wuxuuna ruug cadaagan ka dhawaajiyay in weeraryahanka naadiga Man United uusan u qalmin in loo xusho koobka aduunka wuxuuna yiri “aadban ula yaabaa markii qof walbo uu dhaho Wayne waa xidig cajiib ah aniga marnaba koobka aduunka kuma dareen sidoo kalena uma qalmo inuu England hogaamiyo balse waa nasiib daro!”
60-jirkan oo Chelsea ka tirsanaa dabyaqadii 60-kii ilaa bilawgii 70-kii ayaa BBC-da u sheegay inuu si gaar ah ugu kuur galaayay qaab cayaareedka Wayne Rooney xili cayaareedkan wuxuuna sheegay in Rooney uu xili cayaareedkna soo bandhigin wax loogu xulan karo inuu England koobka aduunka u matalo wuxuuna yiri “Man United hoos u dhicii ku yimid xili cayaareedkan Rooney ayaa sabab u ahaa sidoo kalena marnaba masoo bandhigin qaab cayaareed aad u wanaagsan marka siduu England u matali karaa marba hadii 12-bilood ee ugu dambeesay uu ku sugnaa xaalad qarow ah!” Inkastoo Alan Hudson uu dhaliil weyn usoo jeediyay Rooney hadana xili cayaareedkan wuxuu kooxdiisa Man United u dhaliyay 17-gool sidoo kalena 12-kubadood ayuu dhiibay asigoo cayaaray 29-kulan Premiership-ka wuxuuna Wayne xulka England ka mid noqday sanadii 2003 ilaa haatana xulkiisa wuxuu u saftay 89-kulan.