Agaasimaha Guud ee kooxda Bayern Munich Matthias Sammer ayaa shaaca ka qaaday in kubad sameeyahooda reer Jarmal ee Toni Kroos aan laga iibin doonin kooxda Man United isla markaana ay goor dhaw heshiis cusub ka saxiixi doonaan.
24-jirkaan heerka caalami ayaa heshiis qandaraaska loogu kordhinaayo kula jiro kooxdiisa Bayern Munich inkastoo heshiiska uu haatan kula jiro kooxdiisa uu ku egyahay 2015.
Manchester United ayaa bishii January ee dhamaatay laga soo diiday dhowr dalab oo ay u dirtay Toni Kroos waxaana haatan si nadiif ah logu sheegay iney iska hilmaamaan.
“Kama iibin doono Kroos Man United” ayuu agaasime Sammar u sheegay Suddeutschen Zeitung.
“Waxaan dooneynaa inaan sii heysano Kroos, waa mid ka mid ah xidigaha muhiimka ah, maahan wax fudud inaan si deyno xidig isaga oo kala ah, runtaana ah inaan United ay iska ilowdo Kroos”