Kulanka: Premie League
Waqti: 7:30 Habeenimo XIlliga Muqdisho
Garoonka: Stamford Bridge
Kooxda Chelsea oo Kulamadii ugu dambeeyey ku sari weysay inay Guul Gaarto saxaafada caalamka oo dhanna ay hadal hayaan ayaa caawa Stamford Bridge kula ciyaari doonto kooxda Fulham kulanka 5-ad ee horyaalka Ingiriiska, waxeyna Blues dooneysaa inay soo afjarto laba kulan oo guul la’aan ah.
Akhbaarta Kooxaha
- John Terry oo ah Kabtanka Chelsea ayaa lagu wadaa in uu kusoo laabto safka koowaad ee kooxda kadib markii la nasiyay kulankii Champions League ee toddobaadkan.
- Ramires oo uga maqnaa ganaax sidoo kale kulankii Arbacada, ayaa dib uga soo muuqan doona kooxda koowaad, halka Juan Mata la rajeynayo in lagu soo billaabo.
- Darren Bent ayaa la rajeynayaa in uu fiicnaado kulankan, isago iyo Berbatov oo labaduba weerarka uga ciyaara Fulham,
- balse waxaa wali dhaawacyo uga maqan Bryan Ruiz, Aaron Hughes, Matthew Briggs iyo Maarten Stekelenburg.
Maxaa Laga Qoray Kulankaan:>
* Fulham kaliya hal mar ayay ka badisay kooxda Chelsea 34-tii sano ee u dambeysay iyagoo isku arkay 34 kulan oo horyaalka iyo koobabka dalka isugu jira.
* Guushaas kaliya ah ayaa timid sanadkii 2006-da markii Luis Boa Morte uu u dhaliyay Fulham 1-0 ay gegedooda uga badiyeen Chelsea.
* Fulham kuma badin Stamford Bridge tan iyo sanadkii 1979-kii markaas oo ay 2-0 ku badisay ciyaar ka tirsaneyd horyaalka heerka labaad.
* Guushii u dambeysay ee Fulham ka hesho Stamford Bridge horyaalka heerka koowaad ayaa ugu dambeysay sanadkii 1964-tii.
* Afar ka mid ah Shantii kulan ee u dambeysay kulankan ayaa ku dhammaaday barbardhac.
* Chelsea oo 7 dhibic heshay 4-tii kulan ee ugu horreysay ee xilligan, ayaa ka dhigan billowgeedii ugu xumaa tan iyo markii kooxdan uu iibsaday Abramovic 10 sano ka hor.
* Chelsea loogama badin garoonkeeda 11-kii kulan ee u dambeysay ee horyaalka ku ciyaartay, iyadoo 9 ka mid ah badisay.
* Guul-darradii u dambeysay ee garoonkeeda kusoo gaarta Chelsea, ayaa timid bishii Jannaayo ee sanadkan markaas oo ay ka badisay QPR.
* Mourinho waligiis kuma guul-darreysan Stamford Bridge kulan ka tirsan horyaalka, isagoo badiyay 48 kulan 14 kalana bareejo galay.
* Fulham kaliya waxey badisay 2 kulan 12-kii kulan ee u dambeeyay horyaalka ka ciyaartay.
* Fulham waxey sameysay Laadadka ugu yar ee xerada ganaaxa laga tuuro xilligan horyaalka Ingiriiska, iyadoo kaliya isku dayday 11 Laad.